Mid Ka mid Ah Odayaasha 135-ta Oo Lagu Xirey Muqdisho

Ciidamo la sheegay iney ka tirsan yihiin dowladda Federaalka Soomaaaliya ayaa maanta waxay magaalada Muqdisho ku xireen mid ka mid ah  waxgaradka 135-ta Oday dhaqameed ee soo xulay baarlamaanka.

Maxamed Jaamac oo kamid ah waxgaradka ka yimid Somaliland ayaa goor dhow u xaqiijiyey Goobjoog News in xabsiga loo taxaabay Suldaan Faarax Maxamuud Maxamed Buraale oo kamid ahaa waxgaradka 135.

Waxa uu sheegay Maxamed in ciidamo xiran dareeska Nabad sugidda ay soo galeen Hoteelkii uu Suldaanka ka deganaa magaalada Muqdisho kadibna loo sheegay inuu xarig yahay.

Ka waxgarad ahaan ayuu sheegay iney wadaan dedaallo badan oo ay ku doonayaan iney ku ogaadaan sababta rasmiga ah ee loo xirey Suldaan Buraale iyo in uu dib u helo xorriyaddiisa.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW