U bood dhigaalka

Mid Ka Mid Ah Raggii Weeraray Paris Oo La Aqoonsaday

Sheeko:Dalka

Mas’uul sare oo u hadlay dowladda Fransiiska ayaa sheegay weeraradii ka dhacay Magaladda Paris  oo ay ku dhinteen 130 kuna dhawacmeyn 350 ruux ay ku lug lahaayeen Seddex Kooxood.

“Waa in aan ogaanaa halka ay ka yimaadeen iyo halka ay ka heleen maaliyadda ay u isticmaaleen weerarada ay geesteen” ayuu yiri Francois Molins oo ka tirsan dacwo soo ogayaasha dalka faransiiska oo saxaafadda kula hadlay xalay magaladda Paris.

Francois Molins ayaa sheegay in nin ka mid ah raggii weerarka soo qaaday la aqoonsaday kaas oo lagu tilmaamay in uu ahaa 29 jir  u dhashay dalka Faransiiska ninkaas oo la sheegay in uu horay u galay dambiyo balse aan waligii la xirin.

Omar Ismaïl Mostefai, ayaa la aqoonsaday kadib markii fartiisa la ga helay kalaabkii la weeray ee Bata clan kadibna lagu cadeeyey DNA.

Dhinaca kale Ra’iisul wasaaraha dalka Fransiiska Manuel Valls ayaa sheegay in xukuumadda Fransiisku ay sii wadi doonto weeraradda dhanka cirka ah oo ay ku heyso xoogaga Daacish oo iyagu sheegtay in ay ka dambeeyeen weeraradii Paris.

Ururka IS ayaa sheegey in weeraradii Paris ay jawaab u haayeen duqeynta xagga cirka ah oo faransiisku uu ku hayo deegaanadda ay ka arrimiyaan ee Siiriya iyo Iraq.

Faransiiska ayaa martigaliyey weerarkii ugu dhiig daadashada badnaa tan iyo dagaalkii Labaad ee adduunka taas oo carro ku abuurtay dad badan oo faransiis ah iyadoo caalamkuna uu aad u cambaareeyey falkaasi.