U bood dhigaalka

Mid ka mid ah Rakaabkii Saarnaa Diyaaradda oo la hadlay Goobjoog News

Sheeko:Dalka

Cali Yare oo ka tirsanaa dadkii saarnaa diyaaradii Daalo airline ayaa sheegay in uu qarax maqlay daaqadda C agteeda ee gudaha diyaaradda.

Cali waxaa uu intaa ku daray in markii uu qaraxa korontada dhacay ay dadka isku dhexyaaceen oo ay isugu tageen qeybta hore ee diyaaradda.

Cali waxaa uu Goobjoog News u sheegay ilaa 5000-7000 oo Feet ay dhulka u jireen, Kabtan-ka waxaa uu ahaa Ajnabi, waxay diyaaradda mareysay nawaaxiga Balcad.

Cali Yare oo sii hadlaya waxaa uu sidoo kale noo sheegay in diyaaradda uu saarnaa Xildhibaan Xasan Macalin iyo rakaab kale oo u badnaa dadkii ay labo maalin ka baaqatay Turkish Airline.

Cali waxaa uu aad ula yaabay gurmadka ay dowladda u fidisay diyaaradda iyo dadkii saarnaa sida gawaarida  gurmadka, ciidamada amaanka, dab damiska iyo dhamaan baayihii jiray.

Dadka dhaawacmay waxaa uu sheegay in loo qaaday goobaha caafimaadka, labada dhaawaca ahaa ayaa ka kala yimid Talyaaniga iyo Finland.

Ninka dhaawacmay ee Finland ka yimid waxaa uu agfadhiyay ninka diyaaradda ka dhacay, waxaa markii dambe meydkiisa laga helay Balcad agtiisa.

Dhinaca kale Xasan Cabdi  oo ka tirsan Dhiiqooley ayaa Goobjoog News u xaqiijiyay in ay arkeen ruux gubtay oo ka soo dhacay diyaarad dul mareysay deegaanka.