Mid Ka Mid Askarta Canshuurta Qaadda Oo Lagu Dilay Magaalada Muqdisho

Goor dhaw ayaa mid ka mid ah ciidamada dowladda Hoose ee Xamar waxaa lagu dilay Suuqa Siinaay ee degmada Warta Nabadda xilli uu Canshuur uruurinayay.

Laba nin oo ku hubeysan Bistoolado ayaa la sheegay in dilkaasi ay ka u geysteen askarigaasi, iyaga oo goobta ka baxsaday.

Mid ka mid ah dadka ku dhaqan Siinaayo ayaa u sheegay Goobjoog News, in askariga la dilay lagu magacaabayay Boosh, kaasi oo muddo badan halkaasi ka shaqeynayay.

Ciidamada ammaanka ayaa goobta gaaray, kuwaasi oo wada howlgallo ay ku daba joogaan raggii dilkaasi ka dambeeyay.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW