U bood dhigaalka

Mid kamid ah askarta ATMIS oo dilay saddex sarkaal

Sheeko:Amniga

Waxaa socda baaritaanno ku aaddan askari ka tirsan ciidamaxa Uganda ee qaybta ka ah hawlgalka kumeel gaarka ah ee midawga Afrika ATMIS, kaas oo saddax sarkaal ku dilay Soomaaliya.

Falkaan ayaa dhacay maalintii isniinta ee todobaadkaan waxaana uu ka dhacay xarunta ugu wayn ee ciidamada Uganda.

Afhayeenka ciidamada Uganda Felix Kulaigye, ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in falkaan uu dhacay sidoo kalena ay socdaan baritaano askarigana la xiray.

Ciidamada ayaa la sheegay in ay markii hore u haysteen in la so weeraray xaruntooda, balse dib ay ka ogaadeen in falka uu ka dhacay dhexdooda.

Askariga ayaa toogtay mid koowaad, halka kan labaad uu madaxa kaga dhuftay saddex xabbad, xilli uu doonayay in uu ogaado waxa dhacay, askariga saddexaad ee la dilay ayaa laga toogtay dhabarka isaga oo raba in uu ka baxsado.

Sikastaba falkaan ayaa noqonaya midkii labaad, hore ayay u ahayd markii sanadkii 2019-kii askari ka tirsan ciidamada Uganda ee qaybta ka ah hawlgalka midawga afrika ATMIS horayna u ahaa AMISOM, uu dilay saaxiibkiis isna uu isdilay markii dambe.

Goobjoog News