U bood dhigaalka

Qof Shacab Ah Oo Caawa Lagu Dilay Muqdisho

Sheeko:Dalka

Rag ku hubeysan Bistoolado ayaa caawa waxay degmada Warta Nabaddaa gaar ahaan xaafadda Xamar Bile ku dileen qof shacab ah.

Marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabayey Axmed C/qaadir Xuseen, wuxuuna kasoo baxay sida la sheegay garaash ku yaalla xaafadda Xamar Bile, iyadoo raggii dilkaasi ka dambeeyay goobta ay ka baxsadeen.

Ciidamada dowladda oo halkaasi gaaray ayaa wada howlgal ay ku  baadigoobayaan raggii falkaasi ka dambeeyay.

Maamulka degmada Warta Nabadda iyo saraakiisha amniga weli wax faah faahin ah kama aanay  bixin dilka dhacay iyo howlgalka socda.

Saakay ayeey ahayd markii rag ku hubeysan bistoolado ay degmada Waaberi ku dileen mid kamid ah ergadii magaalada Jowhar kusoo doortay xildhibaannada golaha shacabka.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News