U bood dhigaalka

Mid Kamid ah Ergadii Doortay Mahada Salaad oo Muqdisho Lagu Dilay

Sheeko:Amniga

Kooxo hubaysan ayaa maanta magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ku dilay nin la sheegay inuu Nabaddoon ahaa, dilka ayaa waxaa uu si gaar ah uga dhacay meel u dhow gurigiisa oo ku yaalla xaafadda Baar Ubax ee degmada Howlwadaag .

Nabaddoonka ayaa waxaa magacaiisa lagu sheegay Warsame Ismaaciil, waxaana la sheegay inuu kamid ahaa Ergadii wax ka  dooratay Xildhibaan Mahad Salaad agaasimaha hey’adda nabad sugidda,xilligii uu ka mid noqonayay Baarlamaanka 11-aad.

Kooxii dilka geystay ayaa goobta isaga baxsaday kadib markii ay toogteen Nabaddoonka, waxaana sidoo kale ilaa iyo hadda jirin cid sheegatay in ay ka dambaysay dilka loo geystay Nabaddood Warsame Ismaaciil oo maanta Muqdisho lagu toogtay.

Goobjoog News