Mid Kamid Ah Ergadii Soo Doortay Xildhibaannada Golaha Shacabka Oo Lagu Dilay Muqdisho

Rag ku hubeysan Bistoolado ayaa habeenkii xalay ahaa waxay degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho waxay ku dileen mid kamid ah ergadii xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya kusoo xulay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Qofka la dilay magaciisa ayaa lagu soo koobay Sheekh Maxamed, waxaana halkaasi ku dhaawacmay sida la sheegay xaaskiisa oo xaaladeeda aad u liidato.

Dilkan ayaa ka dhacay xaafadda Ansalooti ee degmada Waaberi sida Goobjoog News, u sheegay mid kamid ah dadka ku dhaqan xaafaddaasi.

Goobta dilka ka dhacay waxaa gaaray ciidamada dowladda Soomaaliya, waxaana ay qabteen dhallinyaro xaafadda ah oo halkaasi ku sugnaa kuwaasi oo intooda badan daqiiqado kadib lasii daayey.

Magaalada Muqdisho waxaa sidan oo kale loogu dilay Odayaal dhaqameed soo doortay xildhibaannada golaha shacabka.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW