U bood dhigaalka

Mid Kamid ah Musharraxiintii Baarlamaanka 11-aad oo Muqdisho Lagu Dilay

Sheeko:Amniga

Warar dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan dil kooxo hubeysan ay degmada Dharkeenley ugu geysteen mid kamid ah musharraxiintii golaha shacabka Baarlamaanka 11-aad ee federalka Soomaaliya.

Marxuumka dilka loo geystay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Maxamed Xuseen Sebriye, waxaa xilligii doorasjhada uu ka mid ahaa musharraxiinta  kursiga tirsigiisu yahay HOP#33 ee Hirshabeelle.

Kooxdii dilka geystay ayaa isaga baxsaday goobta ay dilka ka geysteen, ciidanka dowladda federalka oo soo gaaray halka uu falka ka dhacay ayaa baaritaanno ka sameeyay walow aan cidna loo qaban.

Goobjoog News