U bood dhigaalka

Mid Kamid Dagaalladii Ugu Cuslaa oo Ka Dhacay Laascaanood iyo Faahfaahinno Laga Helayo

Sheeko:Amniga

Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa maanta marti gelisay mid kamid ah dagaalladii ugu cuslaa,kaas oo u dhaxeeyay ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka ee SSC, dagaalka ayaa yimid kamid markii ciidamada Milatariga ay laba jiho ka weereen magalaada sida ay sheegeen dadka ku nool ayaa waxaa uu ku faafay qeybo badan oo magaalada ah.

Ciidamada deegaanka ayaa sheegay in ay la wareegeen xero ay daganaayeen ciidamo ka tirsan Somaliland uu watay nin lagu magacaabo Korneyl Mahad Cabaashe, kuwaas oo deganaa xerada Guulwade oo ku taalla duleedka magaalada waxaana laga arkayay  muuqaalo lagu baahiyay baraha bulshada  ciidanka deegaanka oo ku sugan xerada saanadna lagu qabsaday.

Dagaalka ayaa waxaa intii uu socday ka dhashay khasaare xooggan, kaas oo isugu jira naf iyo maal intaba, wararka laga helayo maagalada ayaa sheegaya in dhinacyada ay soo kala gaarayaan gurmadyo kale duwan, iyadoo dhowr jeer dhinaca Somalilad ay ku dhawaaqday xabadjoojin hal dhinac ah, iyadoo aysan dhaqan gal noqon tallaabadaasi ilaa iyo hadda.

Qaramada Midoobay ayaa horay u sheegtay in dad badan oo ka barakacay dagaalka magaalada Laascaanood ay wajahayaan xaalada adag oo dhanka nolosha ah, xilli ay ku sugan yihiin deegaanno ka tirsan Puntland iyo dowlad deegaanka, goobahaas oo markii hore ay ka jirtay abaar baahsan, taas oo ka dhalatay Roobyarida iyo abaaraha ka jira wadamada Bariga Afrika.

Xoogga dagaalamaya ayaa dhankooda xabad joojinta shuruud uga dhigay in Somaliland ay ciidankeeda kala baxdo gobolka Sool, mana muuqto rajo uu ku istaagayo dagaalka u dhaxeeya labada dhinac, kaas oo socda 20 cisho, waxaa dhinaca kale socda madaafiicda ay magaalada ku garaacayaan ciidamada Somaliland, oo geysatay burbur baahsan oo soo gaaray.

Goobjoog News