U bood dhigaalka

Midawga Afrika Oo Soo Dhaweeyay Ra’iisulwasaarah Cusub Ee Dalka

Sheeko:Amniga

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamat, ayaa u hambalyeeyay ra’iisulwasaaraha cusub ee dalka Hamza Cabdi Barre, kaas oo dhawaan madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud Magacaabay.

Xamza Cabdi Barre oo horay u soo noqday guddoomiyihii guddiga doorashada Jubbaland, sidoo kalena kamid ah aas-aasayaasha xisbiga UPD, ayaa loo magacabay in uu noqdo ra’iisulwasaaraha dalka.

Gudoomiyaha A.U. ayaa sheegay in A.U. ay si buuxda u garab istaagi doontaa Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud si loo fuliyo baahiyaha muhiimka ah ee Soomaaliya iyo shacabkeeda ee nabadda, xasilloonida iyo horumarka.

Goobjoog News