U bood dhigaalka

Midawga Jaamacadaha iyo Iskuulada Oo Soo Dhaweyay Sida Wasaaradda Waxbarashada U Baabi’isay Go’aanka Gobalka Banaadir

Sheeko:Amniga

Midawga Jaamacahadaha Soomaaliya ayaa goordhaw  soo dhaweeyay go’aankii shalay wasiirka waxbarada DF uu ku joojiyay lacago maamulka gobalka Banaadir agaasinkiisa waxbarashada uu ka qaadayay Macalimiinta iyo Ardayda wax ka barata magaalada Muqdisho.

Jaamacadaha ayaa ku sheegay war-saxaafadeed ay soo saaren in ay ku faraxsan yihiin go’aanka wasiirka waxbarashada uu ka qaatay cabashadoodii ku aadaneyd qarashaadka maamulka gobalka Banaadir uu ku soo rogay hay’adaha waxbarashada.

War-saxaafadeedka Jaamacadaha ayaa sidoo kale lagu xusay in hay’adaha waxbarashada ay maamulada dalka kala kulmaan cadaadisyo dheeraad ah xilli aysan jirin taageero ay dowladda ay ka helaan.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka Midawga Jaamacadaha

 

 

Dhanka kale Midawga dalladaha waxbarashada dalka ayaa soo dhaweeyay go’aankii wasiirka waxbarashada shalay uu ka soo saaray lacagaha maamulka Gobalka Banaadir uu ku soo rogay goobaha waxbarashada ee ku yaalla magaalada Muqdisho.

Midawga dalladaha ayaa sidoo kale sheegay in haddii aanan laga hortagi laheyn qarashaadkaas ay sababi laheyd dib u dhaca ku yimaada horumarka waxbarashada dalka.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka Midawga Dalladaha Waxbarashada 

Soo dhaweyntaan labada hay’adood ayaa imaanaya, saacado kadib markii Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, uu shaaciyay in gebi ahaanba baabi’iyay qarashaadki ay wasaaradda waxbarashada ka qaadeysay ardayda iyo Macalimiinta.

Wasaaradda ayaa sheegtay in muddooyinkii dambe ay soo gaarayeen cabashooyin kaga imaanayo macalimiinta , ardayda iyo waalidiinta ku dhaqan Gobalka Banaadir, taas oo ku aadaneyd in Lacago xad dhaaf ah uu maamulka gobalka Banaadir uu ku soo rogay Macalimiinta iyo Ardayda wax ka barata Iskuulada magaalada Muqdisho.

Hoos ka akhriso warqadda go’aanka wasaaradda waxbarashada ka soo baxay.

23 bishii hore ayeey aheyd markii cabasho ka dhan ah maamulka gobalka Banaadir ay u gudbiyeen wasaaradda waxbarasahada Midawga Dugsiyada gobalka Banaadir.

Cabashada ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa in warqado laga qaato CID ay ku waajibiyeen macalimiinta maamulka waxbarashada gobalka Banaadir.

Hoos ka akhriso warqadda Cabashada Dugsiyada waxbarashada gobalka Banaadir 

 

Goobjoog News