U bood dhigaalka

Midawga Murashixiinta oo Dowladda uga Digay Bixinta Shatiyada Shidaalka.

Sheeko:Amniga

Golaha Midawga Musharixiinta xilka Madaxtinimo ee dalka doorashada 2021, ayaa sheegay in ay ka digayan Heshiisyada Baarista iyo Qodista shidaalka dalka ee ay dowladd la gaareyso shirkada Shidaal baarista ,

Qoraal ka soo baxay Midawga Musharixiinta ayaa waxaa loogu baaqay Hanti dhowrka guud ee dalka, Xeer ilaaliyaha laga fiirsado Heshiisyada shirkadaha Shidaal Baarista, kaasoo looga digayo Bixinta qandaraasyada  shatiga  shidaal oo ay wasaarada Bartoolka la gelayso shirkada Coastline oo horay loo oran jiray Som-Oil iyo shirkada Liberty.

“Dowlada Federaalka Soumaaliya iyo Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah waxa ay 5-tii bishii June 201 hkii magaalada Bcydhabo ku sixiixdeen Heshiiska Wadaaga kheyraadka dabiiciga »h, kaas oo dhigayay in heshiis walba oo la xiriira shidaal qodis, sahamin ama baaris uu noqdo mid daahfuran, laga dooday, la qiimeeyay, laguna heshiiyay, ugu danbeyna laga meelmariyay Golaha Shacabka ee DFS, kahor inta aan heshiiska la saxiixin” ayaa lagu yiri qoraalka .

Sidoo kale qooraalka ka soo baxay Midawga Musharixiin ayaa lagu yiri ” Heshiisyada qarsoodiga ah ee aan xogta ku helnay inay saxiixi doonlo Wasaaradda Macdanta iyo Balroolka oo wakiil ka ah DFS, wuxuu toos uga hor imaanayaa, una baalmarsanyahay dhamaan Sharciyada iyo Xeerarka Kheyraadka dabiiciga ah ee DFS ee laga meelmariyay BFS, hcshiisyada ka dhaxecya DFS iyo Dowlad Gobolecdyada xubnaha ka ah iyo fahamka guud ee masuuliyadda ilaalinta kheyraadka dalkeena”.

                                   Hoos ka Akhriso Qoraalka Midawga Musharixiinta