U bood dhigaalka

Midawga Musharixiinta: Ma Aqbaleyno Boobka Lagu Wado Doorashada

Sheeko:Amniga

Midawga musharixiinta xilka madaxweynanimada Soomaaliya ayaa sheegay markale in aysan aqbali doonin natiijada doorashada ka socota dalka.

War-murtiyeed dheer oo ka soo baxay xubnaha midawga musharixiinta ayaa lagu sheegay  in golaha uu kulamo fara badan ka yeeshay habka ay doorashada ku socoto una soo baxday in aysan dalka doorasho ka socon balse ay socdaan wax ay ugu yeereen ‘Boob qaawan’.

Golaha midawga musharixiinta ayaa sidoo kale carabka ku adkeyay in ay latashiyo ay la yeelanayaan bulshada kadib ay qaadi doonan talaabo ka dhan ah tan dowladda.

Midawga ayaa shaaciyay in ay wax walbo oo ka dhasha doorashada ay qaadaceen ay qaadanayaan mas’uuliyadeeda madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad gobaleedyada dalka.

Hoos ka akhriso war-murtiyeedka oo dhameystiran