U bood dhigaalka

Midawga Musharixiinta: Ma Aqbali Doonno Doorashada Boobka Qaawan Ku Socota

Sheeko:Amniga

Midawga musharixiinta xilka madaxweyanimada Soomaaliya ayaa markale walaac ka muujiyay doorashooyinka golaha shacabka ee ka socda deegaanada qaar.

War-saxaafadeed ka soo baxay midawga musharixiinta ayaa lagu sheegay in golaha oo maalmihi la soo dhaafay kulamo is daba joog ah ka lahaa xaaladda dalka ay ka xun yihiin sida ay u socdaan doorashada golaha shacabka.

Golaha midawga ayaa sidoo kale sheegay in aysan aqbali doonin natiijada doorashada ee deeganada qaar hadda laga qabtay.