U bood dhigaalka

Midawga Musharixiinta Oo Guddoomiye Mursal Ku Eedeyay In Carqaladeeynayo Dadaalada Ra’iisul Wasaare Rooble

Sheeko:Amniga

Golaha midawga Musharixiinta ayaa gudoomiya golaha shacabka baarlamaankii 10-aad ku eedeyay in uu carqaladeynayo geddi socodka dadaalada doorashooyinka iyo maamulka Amniga ee ra’iisul wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble.

War-saxaafadeed ay soo saareen midawga Musharixiinta ayaa lagu sheegay in golaha uu uu garab taagan yahay Ra’iisul wasaare Rooble.

Midawga musharixiinta ayaa sidoo kale sheegay in Guddoomiyihii hore ee golaha Shacabka Maxamed Mursal uu horay ugu fashilmay hogaanka golaha isagoo dalka Dagaal sokeeye geliyay ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka Midawga.

Hoos ka akhriso War-saxaafadeedka Midawga Musharixiinta.