U bood dhigaalka

Midawga Musharixiinta Oo Ku Baaqay Banaanbax Maalinta Jimcaha

Sheeko:Amniga

Golaha Midawga musharixiinta xilka Madaxweeynanimada dalka oo goordhaw shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dhawaan ay qaban doonan banaanbax balaaran oo ka dhaca magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha Midawga Musharixiinta Xilka Madaxweeynanimada dalka ahna madaxweeynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa sheegay in maalinta Jimcaha ah ee soo aaddan isu soo bax ay ka qeeyb gali doonaan Musharixiinta lagu qaban doono qeeyba ka mid ah magaalada Muqdisho.

Dhanka kale Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweeynihii hore ee dalka iyo siyaasiyiinta midawga ayaa sheegay in Halka loo yaqaano Daljirka Dahsoon uu ka dhici doono Banaan baxa , kaas oo ah mid nabadeed shacabkana ay ku muujin doonan dareenkooda ka dhanka ah Farmaajo.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa yiri “Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday, Marrabo in dalkaan Doorasho ay ka dhacdo”

Sikastaba banaanbaxa ayaa waxaa uu ku soo aadaya xilli habeenkii 8-aad Farmaajo uu seexanayo Villa Soomaaliya, iyadoo mudadiisi dastuuriga aheeyd ay dhamaatay .