U bood dhigaalka

Midawga Musharixiinta Oo Ku Soo Biirtay Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka

Sheeko:Amniga

Shirka arrimaha doorashooyinka ee magaalada muqdisho maalinti labaad uga socda madaxda dowlad gobaleedyada dalka iyo Ra’iisul wasaare Rooble ayaa waxaa maanta markale shirka ku biiray golaha midawg musharixiinta.

Xubna ka socda midawga musharixiinta ayaa kala hadlay madaxda golaha wadatashiga qaranka sidii loo xalin lahaa dhamaan tabashooyinka doorashada.

“Golaha Wadatashiga Qaran oo uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la yeeshay wakiillo ka socda Midowga Musharraxiinta oo ay ka wada hadleen dardargelinta howlaha doorashooyinka iyagoo ka dhageystay talooyinkooda ku aaddan hufnaanta doorashada,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha.