U bood dhigaalka

Midawga Musharixiinta Oo Soo Dhaweyay Dib U Soo Celinta Xiriirka Imaaradka

Sheeko:Amniga

Midawga musharixiinta ayaa soo dhaweeyay go’aanka ra’iisul wasaaraha dalka uu ku raali geliyay dowladda Imaaradka carabta.

Golaha midawga ayaa sidoo kale sheegay in ay xukuumadda uga mahad celinayaan dib u soo celinta xiriirka labada dal.

Musharixiinta xilka madaxweynanimo ee dalka ayaa sidoo kale sheegay in Imaaradka uu ka mid yahay dalalka xiriirka ganacsi ee joogtada ah la leh soomaaliya.