U bood dhigaalka

Midawga Musharixiinta Oo War Ka Soo Saaray Weraradii lagu Qaaday Xasan sheekh iyo Abdirahman Abdishakuur

Sheeko:Amniga

Midawga Musharixiinta ayaa canbaareyay weraradii lagu qaaday Madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame .

Xubnaha Midawga Ayaa sheegay in ciidama ka amar qaata Farmaajo ay weerar ku qaadeen guryaha ay Muqdisho ka degan yihiin labada Siyaasi oo ka tirsan Midawga Musharixiinta .

Golaha Midawga Musharixiinta ayaa sidoo kale waxa ay dowladda Turkiga iyo AMISOM ugu baaqeen in ay ka fogaadan in Ciidamadooda ay ka qeyb galaan colaadda uu hurinayo Farmaajo .

Hoos Ka Akhriso Qoraalka Midawga Musharixiinta.