U bood dhigaalka

Midawga Yurub Oo Ku Baaqay In Xal Laga Gaaro Khilaafka Siyaasadeed Ee Soomaaliya

Sheeko:Amniga

Bayaan ka soo baxay Midawga Yurub ayaa loogu baaqay in hogaanka sare ee dalka ay wada hadalk ku dhameeyaan khilaafka sii xoogeysanaya ee muddooyinkii la soo dhaafay ka dhex taagnaa.

“Waxay tani fure u tahay bad qabka dadka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Midawga Yurub.

Midawga Yurub ayaa sidoo kale qoraal ay soo saareen ugu baaqay in la dhameystiro geddi socodka heshiisyada doorashada.

“Dhammaan daneeyayaasha arrimaha Soomaaliya waa inay xakameeyaan xasilloonida guud ee Soomaaliya iyo gobolka.” Ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay midowga Yurub.

Goobjoog News