U bood dhigaalka

Midogwga Musharaxiinta oo Isku Ballaarinayo Muqdisho, Sheekh Shariif ayaa Ugu Dambeeyey

Sheeko:Amniga

Qaar ka tirsan midowga musharaxiinta oo ay ku jiraan madaxweyneyaashii hore ayaa bilaabay iney isku ballaariyaan qaar ka tirsan degmooyinka gobolka Banaadir.

Madaxweynihii hore Soomaaliya Sheekh Shariikh Sheekh Axmed ayaa noqday musharaxii ugu dambeeyey ee ka guura koonfurta Muqdisho oo hoygiisa ahaa isaga oo degay degmada Cabdicasis ee bariga Muqdisho.

Guurista Shariikh ayaa timid maalmo kadib markii horay sidaas oo kale koonfurta isaga guuray madaxweynihii xilka uga dambeeyey ahna musharax 2021-ka Xasan Sheekh Maxamuud.

Arrintan ayaa kusoo aaday todobaad kadib markii uu isla aagga labada mas’uul ka guureen uu isna lafihiisa kala baxsaday Gen. Saadaq John oo dowladda iskudeysay qabashadiisa.

Musharaxiintan oo inta badan deganaa degmada Wadajir iyo Weberi gaar ahaan goobo u dhow garoonka caalamiga ah ee Aden Cadde ayaa la sheegayaa iney dareemeen dhaqdhaqaaq ciidan oo ka dhan ah iyo isballaarin ay dowladda waddo.

Warar ay heshay Goobjoog News ayaa sheegaya in sidoo kale ay jiraan musharaxiin kale oo maalmaha soo socda degi doono qeybo kale oo ka tirsan koonfurta iyo bartmada Muqdisho.

Farmaajo ayaa dhankiisa waxaa codsi weydiistay midowga Afrika isaga oo raadinaya soo celinta kalsooni dhex marta isaga oo mucaaradka.

Goobjoog News