U bood dhigaalka

Midoowga Yurub oo Sheegey in Ay Tababarayaan Askartii ugu Badneyd oo Soomaali ah

Sheeko:Dalka

EU Training Mission in SomaliaSanadka soo socda ee 2015-ka barnaamijka tababarka Midoowga Yurub ee Soomaaliiya (EUTM Somalia) ayaa sheegey in ay qorsheynayaan illaa 12,00 askari oo Soomaali ah, waxayna noqoneysaa tiradii ugu badneyd oo hal sano la tababaro.

Illaa 128 tababarayaal Midoowga Yurub ka socda ayaa ku sugan magaalada Muqdisho, waxayna illaa iyo intii Muqdisho loosoo wareejiyey dhameeyeen 11 koorso oo tababar ah, iyada oo ay ku aflaxeen 1150.

Todobaadyada soo socda waxaa la filayaa in ay iyaguna qalin jabinayaan illaa 250 askari oo dheeraad ah.

Sargaal u hadlay tababarayaasha ayaa laakiin ka cawday in ay dhibaato weyn ka heysato sidii khubarada militari maalin kasta lagu geyn lahaa xerooyinka tababarka sababtuna ay tahay illaalada laga illaalinayo weerarada Alshabaab.

Goobjoog News