U bood dhigaalka

Midowga Africa Oo Ka Baxaya Maxkamadda Dembiyada Caalamiga Ah

Sheeko:Dalka

Ururka Midowga Africa ayaa isku raacay inay ka baxaan maxkamadda dambiyada caalamiga ah, balse go’aankaan wali looma dhamo  iyagoo ay mucaaradsanyihiin qaar kamida waddamada Afrika oo ay ka mid yihiin  Nigeria iyo Senegal in laga baxo maxkamadda dembiyada caalamiga ah.

Waddamada  South Africa,  iyo Burundi ayaa horay uga baxay maxkamadda dembiyada caalamiga  ah iyagoo  ku eedeeyay inay liidday qarannimadooda iyo inay beegsanayso qaaradda Africa si aan caddaalad ahayn.

Maxkamadda dembiyada caalamiga ah ayaa iska fogeysay eedeymaha loo soo jeediyay, waxayna weli ku dheggantahay go’aankeeda ahaa in ay  baadi goobayso in caddaaladda la hor keeno dadka ka geystay qaaradda Africa dambiyada dagaal.

Midowga Africa ayaa go’aan qaatay maalintii Talaadada ahayd  kadib markii ay ka doodeen madaxda shirmadaxeedka ururka oo lagu qabaty Addis Abab ,Ethiopia.

Sidoo kale go’aankaan ayaa ku xusnaa in Midowga Africa ayaa qaban doona wada hadallo ay la yeelan doonaan xoghaya guud ee Qaramada Midoobay si looga doodo in la soo celiyo haykalkii ay lahayd  maxkamadda dambiyada caalamiga ah.

Shir madaxeedka midowga Afrika oo lagu qabtay magaalada Addis Ababa, ee caasimadda wadanka Ethiopia  ayaa waxaa ka mid ahaa madaxdii kasoo qeyb gashay madaxweynaha dalka Suudaan Cumar Al-bashiir oo ah mid kamida dadka ay doondoonayso maxkamadda dembiyada iyadoo ku eedaysay inuu lug kulahaa dembiyo gumaad oo ka dhacay gobolka Daarfuur.

Sanadkii 2015-kii ayaa maxkamadda waxay eedeyn  ay usoo jeedisay dowladda South Africa, madaxweynaha dalkaasi Zuma  iyadoo  ku eedaysay inuu lug ku lahaa inuu baxsado madaxweynaha dalka Sudan kaas oo ka qeybgalayay kulamo madaxeedka Midowga Africa oo lagu qabtay magaalada Johannesburg , waxayna ku guul dareysatay inay qabato Cumar Al-bashiir.

Ku dhawaad 34 dowladood ayaa saxiixay oo Africa ah heshiiskii Roma , kaas oo ahaa in la dhiso maxkamad dambiyo caalami ah.