U bood dhigaalka

Midowga Afrika Oo Baabi’yey Muddo Kordhinta Farmaajo, Amrayna In Lagu Noqdo September 17

Sheeko:Dalka

 

Golaha nabadda iyo amniga Midowga Afrika oo goordhow qoraal kasoo saaray kulan ka dhacay Adis Ababa ayaa laalay muddo kordhinta loo sameeyey Farmaajo, soona jeediyey in lagu laabto heshiiskii September 17, waxaa uu sheegay inuu ergay usoo dirayo Muqdisho, isaga oo beesha caalamka ka dalbaday in gacan lagu siiyo isu keenista saamileyda iyo doorashada oo ku dhacdo waqtigeeda.

 

Haddaba Qodobada Waxaa uu ugu Muhiimsanaa:

  1. Muujin walaac qotto dheer falkii  dhinaca ahaa ee Golaha Shacabka Soomaaliya uu ku dhaqaaqay 12kii Abriil 2021, ee ku saabsanaa meel marinta qaraarkii uu saxiixay Madaxweynaha 13kii Abriil 2021, kaasoo meesha ka saaraya heshiiskii 17-kii Sebtember 2020 ee hannaanka loo marayo qabashada doorashooyinka Soomaaliya.

 

  1. Cambaareynta falkii 12kii Abriil 2021 ee Golaha Shacabku, ee ay ku kordhiyeen muddo xileedka Madaxweynaha iyo Baarlamanka, kana dhalatay dib u dhaca doorashooyinka, taas oo wiiqaysa midnimada iyo xasilloonida dalka, geeddi-socodka dimoqraadiyadda iyo dastuurka ee curdanka ah. waxay khatar gelineysaa nabadgelyada iyo amniga, iyo sidoo kale guulaha muhiimka ah ee ay Soomaaliya ku tallaabsatay sannadihii la soo dhaafay iyada oo taageero ka heleysa Midowga Afrika iyo saxiibada kale oo sameeyey naf hurid weyn.

 

  1. Walaaca qottoda dheer ee la muujiyey saameynta uu ku yeelanayo xaalada siyaasadeed ee haatan jirta iyo xaaladda  ay kusoo kordhineyso ee federaalka, midnimada ciidamada Soomaaliya , laamaha amniga, iyo awooda lagu sii wadi karo hoos u dhigista Al Shabaab.

 

  1. In kasta oo aan qirayo in Heshiiskii Sebtember 2020 uu ka dhashay wadahadal Soomaali dhexdeeda oo horseed u ahayd dowladda Federaalka Soomaaliya, hoggaamiyeyaasha Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka iyo sidoo kale dhinacyada mucaaradka, baahida loo qabo in la qabto doorasho waqtigeeda ku dhacda iyo in Soomaaliya aysan awood u lahayn inay hirgeliso doorasho hal qof iyo hal cod ah sannadka 2020/21; Wuxuu mar kale xaqiijinayaa in Heshiisku uu weli yahay aasaaska iyo waddada ugu macquulsan ee lagu gaari karo in Soomaaliya lagu qabto doorasho waqtigeeda ku dhacda, daah-furnaan iyo kalsooni leh.

 

  1. Wuxuu ku boorrinayaa hoggaamiyeyaasha siyaasadeed ee Soomaaliya inay mudnaanta siiyaan danta qaranka iyo in si deg-deg ah dib loogu billaabo wadahadalka, iyadoo lagu saleynayo heshiiskii Sebtember 2020 iyo talooyinka guddiga farsamada ee Baydhabo, iyadoo la raadinayo xal is-afgarad ah oo laga gaaro arrimaha taagan ee caqabadda ku gadaaman.

 

  1. Waxaa loogu baaqayaa dhammaan hogaamiyaasha siyaasada Soomaaliya inay is xakameeyaan oo ay ka waantoobaan fal kasta oo keeni kara xiisad sii kororta isla markaana sii wiiqda xasilloonida Soomaaliya, gobolka Geeska Afrika iyo Qaaradda.

 

  1. Wuxuu hoosta ka xarriiqaynaa baahida loo qabo in saamileyda siyaasadda ee Soomaaliyeed ay qaataan wadahadal loo dhan yahay oo hubinaya ka qeybgalka haweenka iyo dhallinyarada.

8. Diyaar ahaanshaha Midowga Afrika inay taageerto geeddi-socodka wada-hadalladaas iyo fududeyta dhexdhexaadinta taas oo tilmaamaysa habab cusub oo lagu gaari karo is-afgarad ku saabsan qaababka doorashooyinka iyo jadwal shaqeyn kara.

9. Waxaan ka codsaneynaa Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika inuu si deg deg ah u magacaabo una diro Soomaaliya, Wakiil Sare oo ah Ergeyga Gaarka ah ee Soomaaliya, si uu ula shaqeeyo dhinacyada iyo saamileyda kale ee ay khuseyso, isagoo taageero ka helayo Wakiilka Gaarka ah AU iyo Madaxa AMISOM, si loo gaadho tanaasul la isla oggol yahay, iyo in warbixin lagu soo celiyo  golaha afarta toddobaad ee soo socda gudahood.

10. In AMISOM la socoto ciidamada la daabulayo arrintaasna shir degdeg ah laga galo.

11. IGAD iyo beesha caalamka oo UNka iyo Midowga Yurub ku jiraan waa in Midowga Afrika lagala shaqeeyo sidii la isu kugu keeni lahaa kooxaha Soomaaliya miiska wada hadalka, gacanna lagu siin lahaa xal gaaris.

Goobjoog News