U bood dhigaalka

Midowga Afrika oo baaraya kufsiga lagu eedeeyay ciidamada AMISOM

Sheeko:Dalka

Madaxa guddiga midowga Afrika Dr Dlamini-Zuma ayaa sheegtay in la sameynayo koox baarta xad gudgub hay’adda Human Rights Watch ay sheegtay in lagu  sameeyay dumar Soomaali ah kaas oo lagu eedeyay askarta howlgalka midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM).

Kooxdan midowga Africa ay u xil saarayaan danbiyadan lagu eedeyay ciidanka AMISOM ayaa waxaa ay ka koobanyihiin Afar qof, waxaana ku jira laba haween ah oo udhashay dalka Ghana, iyo labo ruux kale oo u kala dhashay wadamada Tanzania iyo Zimbabwe.

Haya’adda xaquuqda insaanka ee Human Rights Watch (HRW) ayaa 8-dii September ee sanadkaan 2014 soo saaratay warbixinta kufsiga lagu eedeyay ciidanka AMISOM ee Soomaaliya iyadoona ciwaan uga dhigtay warbixintaas “Sida ay Nimankaan nooga Awood badan yihiin”.