U bood dhigaalka

Midowga Afrika Oo Farmaajo Ku Booriyey In Uu Ka Shaqeeyo Dib U Heshiisiinta Iyo Midnimada

Sheeko:Dalka

Ambassador Francisco Caetano Madeira oo ah ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa hambalyo u direy madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdulahi Farmaajo.

Ambassador Francisco Caetano Madeira  waxaa uu sidoo kale Soomaalida ugu hambalyeeyay doorashada iyo geedigii laga soo galey doorashada ilaa laga doorto madaxweynaha.

“Bilihii la soo dhaafey, Soomaaliya waxaa ay dadaal u gashay sidii ay ku soo ceshan laheyd nabadda,  doorashada waxaa laga soo marey gorgortan caqabadihii jirey, anigoo ku hadlaya midowga Afrika, waxaa hambalyo u dirayaa shacabka Soomaaliyeed taarikhda cusub ee ay sameeyeen”

Ergeyga Midowga Afrika, waxaa hogaamiyeyaasha Soomaalida kula taliyey iney la shaqeeyaan madaxweynaha cusub iyo in loo midoobo horumarinta dalka iyo iney la gudbo dhammaan wixii caqabado ah ee jira.

“Waxaan ugu baaqayaa dowladda cusub in 4-ta sano ee soo socota ay ka shaqeyso dib u heshiisiinta iyo midnimada ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay.

Goobjoog News