U bood dhigaalka

Midowga Afrika Oo Gacmaha Kala Baxay Muranka Badda Ee Soomaaliya iyo Kenya

Sheeko:Amniga

Kulankii 2aad oo maanta Adis Ababa ku yeesheen golaha nabadda iyo amniga midowga Afrika, laguna falanqeynayey codsiga Kenya ee ahaa in kiiska badda ee ICJ yaalo ee kala dhaxeeyo Soomaaliya loo soo wareejiyo Afrika ayaa ku soo dhamaaday arrin dharbaaxo ku ah dalka Kenya.

Kulanka oo ay kasoo qeyb galeen qareenada dalalka 15-ka ah ee ku jira golaha ayaa la isku raacay in kiiska loo daayo maxkamadda uu yaalo.

Ilo ku dhow shirka oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in golaha uu isku raacay in aaney soo wareejin karin, awoodna u laheyn gal dacwadeed ka furan ICJ, taasi oo meesha ka saaray damacii Kenya ay ka laheyd Afrika.

Kulankan waa kii 2-aad ee golaha ka yeesho arrintan, kulankii talaadadii waxaa uu ahaa dhageysiga labada dal, Soomaaliya waxay ku dooday iney ixtiraameyso midowga Afrika, waxana ka aasaastay laakin dacwadan maadaama ay taalay ICJ muddo 5 sano ah loo daayo, taasi oo u muuqato in maanta la qaatay.

Goobjoog News