U bood dhigaalka

Midowga Afrika Oo Ka Hadlay Xaaladda Zimbabwe

Sheeko:Dalka
Madaxweynaha Ururka Midowga Afrika Moussa Faki Maxamed oo ku sugan mgaalada Washington, D.C. ayaa sheegay in ururka uusan aqbaleyn awood walba oo lagu maquuniyo Zimbabwe oo aan waafaqsaneyn dastuurka.
Moussa Faki Maxamed oo sii hadlay ayaa sheegay inuu cambaareynaayo awood walba oo loo adeegsado xaaladda Zimbabwe taasi oo lagu doonayo in wax laga badalo awoodaha dalka waxaa uuna yiri “Waxaan Cambaareyneynaa awood walba oo lagu badalayo Nidaamka haka timaado dhanka ciidamada ama dhanka falaagada”.
Dhanka kale xoghayaha guud ee qaramada midoobay António Guterres ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyada isku haya Zimbabwe inay xakameeyaan nafsadda, isaga oo tilmaamay in ay u diri doonaan Magaalada Harare ee caasimadda dalksaasi hay’ado iyo ururada Afrika si ay dhexdhexaadin uga sameeyaan halkaasi.

Zimbabwe waxaa ka soo cusboonay maalmihii dambe qalaalo siyaasadeed, waxayna doonayaan ciidamada in ay la wareegaan dalka, balse waxaa ay sheegeen inaysan wadin wax afgambi ah balse ay beegsanayaan dad ay ku sheegeen inay yihiin dambiilayaal ku hareereesan madaxweyne Mugabe.

Siyaasiyiinta reer Zimbabwe ayaa waxay sheegayaan in arrinta ay wadaan ciidamada ay u egtay mid afgambi,waxayna ciidamada la wareegeen qaar ka mida xarumaha dowladda oo uu ka mid yahay telefishinka qaranka dalkaasi iyo madaxtooyada.
Ciidamada ayaa la kulmin wax iska caabin ah tan iyo markii ay la wareegayeen awoodaha dalka, xaaladda madaxweyne Mugabe ayaa ah mid hadda wanaagsan in kastoo uu yahay xabsi guri.
Waxay ciidamadu ku doodayaan inay beegsanayaan dambiilayaal agjooga mugaabi,kuwaasi oo ay ku sheegeen iyaga dardood inay u burbureen kaabayaashii dhaqaale uu wadanka lahaa.

Goobjoog News