U bood dhigaalka

Midowga Afrika Oo Ka Walaacsan Farogelinta Shisheeye Ee Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Musa Faki Mahamed, gudoomiyaha Midowga Afrika ayaa walaac waxa uu ka muujiyey farogelinta shisheeye ee lagu hayo Soomaaliya, xilli uu magaalada Addis Ababa kula kulmay ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay xarunta dhexe ee Midowga Afrika ayaa lagu sheegay in Faki iyo Kheyre ka wadahadleen arrimaha amniga, siyaasiadda, doorashada 2020-ka ee qof iyo cod, xalinta khilaafka DFS iyo dowlad goboleedyada iyo arrimo kale.

Waxaa qoraalkan lagu sheegay in farogelinta shisheeye ee Soomaaliya ay carqalad weyn ku tahay dhismaha nabadda iyo horumarinta dalka ka socda.

“Waxay farogelinta khatar ku tahay guushii adkeyd ee laga gaaray howlgalkii wadajirka ahaa ee ciidanka Soomaaliya iyo AMISOM, walaac ayaan ka qabnaa arrintaasi, Soomaaliya iney madax bannaani hesho waa muhiim” ayuu yiri Musa Faki.

Musa Faki Mahamed ayaa ka dalbaday madaxda ugu sarreysa ee dowladda federaalka Soomaaliya iney sii xoojiyaan dedaallada ay ku doonayaan in lagula dagaallamo Musuqa.

Sidan oo kale, marar badan ayaa mas’uuliyiin iyo siyaasiyiin waxay u sheegeen in Soomaaliya ay horey ugu socon la dahay farogelin shisheeye oo jirta.

Goobjoog News