U bood dhigaalka

Midowga Afrika oo Ku Baaqay in Lala Shaqeeyo Ergeygeeda Dhexdhexaadinta Soomaaliya, Waa Kuma Mahama?

Sheeko:Amniga

Madaxa midowga Afrika  Moussa Faki Mahamat ayaa waxaa uu ku dhawaaqay in ergayga wada haddalada Soomaalida loo magacaabay madaxweynihii hore ee Ghana John Dramani Mahama, ninkan ayaa hoggaamin doona wada hadal dhex mara mucaaradka iyo Farmaajo.

Mr. Moussa Faki  ayaa ugu baaqay kooxadaha Soomaalida iney la shaqeeyaan ergaygiisa si loo gaaro xal wadar ogol, oo raalli laga wada yahay si loo qabto doorasho waqtigeeda ku dhaco.

“Guddoomiyaha Guddiga wuxuu ugu baaqayaa daneeneyaasha Soomaaliya inay si hufan uga wada xaajoodaan, oo ay ka hor mariyaan danaha Soomaaliya iyo wanaagga dadka Soomaaliyeed raadinta xal loo wada dhan yahay oo ku saabsan xiisadda doorashada” ayuu yiyo Faki.

Waa Kuma Ergeyga Wadda hadallada: 

Mahama oo ah ergeyga wada haddalada Soomaaliya waxaa uu dhashay November 29, 1958 Waxaa uu xubin ka yahay xisbiga National Democratic Congress (NDC,  Inta u dhaxeysay 1997 ilaa 2009 waxaa uu ahaa wasiir ku xigeenka isgaarsiinta isaga oo isla wasaaradda hoggaamiyey 1998 ilaa 2001Waxaa uu noqday madaxweyne ku-xigeenka Ghana inta u dhaxeysay January 2009 ilaa July 2012,

Mahama waxaa uu ahaa madaxweynaha  Ghana inta u dhaxeysay 24 July 2012 ilaa  7 January 2017, waa uu jagada qabtay markii uu geeriyoodey madaxweynihii John Evans Fiifi Atta Mills.

Goobjoog News