U bood dhigaalka

Midowga Afrika oo Madhow Siinaya Qoysaska Askartii Ku Geeriyootay Soomaaliya

Sheeko:Amniga

Midowga Afrika ayaa la sheegayaa inuu qorsheynayo in adduun lacag dhan $200 milyan magdhow ahaan  u siiyey qoysaska askarta ka tirsan howlgalka ATMIS ee ku dhintey ama ku dhaawacmay gudaha Soomaaliya, kaas oo ay qeyb ka yihiin ciidamo kale duwan oo ka kala yimid dalal ka ku yaalla qaaradda Afrika.

Sidda laga soo xigtey The East African, $174 milyan oo kamid ah lacagtaas ayaa loo qoondeeyay qoysaska laga ay ku dhinteen caruurtooda Soomalaiya, intii uu socday howlgalka midowga Afrika ee AMISOM,  halka inta kale ee soo hartey oo ah $15 milyan la siinayo qoysaska askarta dhaawacntey dagaalladii dhacay.

Midowga Afrika ayaa shaaca ka qaaday in ugu yaraan 3,500 oo askari oo ka kala socda Kenya, Uganda, Burundi iyo Itoobiya ay ku dhinteen Soomaaliya 16-kii sano ee la soo dhaafay, iyagoo ku guda jira howl-galka nabadeed oo aan weli laga gaarin natiijooyinkii loogu talagalay bixinta.

Sida ku cad heshiis is afgarad ah oo ay kala saxiixdeen dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya iyo Midowga Afrika, $50,000 ayaa la siindoonaa qoyska askari kaste oo howgalka ku dhintay, halka dhaawacyada ama naafada lagu bixinayo $10,000, taas oo ah magdhowga wixii gaaray.

Uganda ayaa ah dalkii ugu horreeyay ee 2007-dii ciidamo usoo diray Soomaaliya. Xilligaas wuxuu howlgalka ku shaqeynayay magaca AMISOM kaasoo laga guuray bishii Abriil xagaagii 2022 lagana dhigay magaca ATMIS, waxaana lagu wadaa in dalka ay ka baxaan December 2024-ka.

Goobjoog News