U bood dhigaalka

Midowga Afrika oo Shaaciyey Waqtiga AMISOM Laga Saarayo Soomaaliya

Sheeko:Amniga

Wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Francisco Madeira, oo shalay khudbad ka jeediyey madashada wadatashiga dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo Beesha caalamka ayaa shaaciyey waqtiga  sida rasmiga ah AMISOM uga baxayaan Soomaaliya.

Wakiilka ayaa carabka ku dhuftay in ciidamada AMISOM oo mudo ku sugnaa Soomaaliya kana qeyb qaadanayeyey ammaanka dalka uu xoogga bixitaankooda  Soomaaliya bilaaban doono  sanadka 20211-ka waxaana uu dhammaanayaa 2022-ka  sida uu hadalka u dhigay wakiilka.

Ciidamada AMISOM ee kusugan Soomaaliya ayaa mudo waxaa ay ka qeyb qaadanayeen amniga guud ee dalka iyo dagaalka ciidamada dowladda iyo Al-shabab ku dhex mara gobolada qaar ee dalka, waxaa sidoo kale ay joogaan goobo badan oo caasimadda ah ay gaar ka hayaan.

Wadanka Uganda ayaa ah wadanka ciidamada ugu badan ee Midowga Afrika ay ka joogaan Soomaaliya una deeqay nabad ilaainta, sidoo kale waddamada Burundi, Jabuuti, Itoobiya iyo Kemya ayaa ciidamado waxaa ay ka joogaan dalka, kuwaas oo hoos taga nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.

Hadalka wakiilka ayaa waxaa uu ku soo aadayaa iyadoo dhowaan dowladda Mareykanka ay shaacisay in ciidamadeeda ku sugan Soomaaliya ee amniga ka caawiya ciidamada dowladda federaalka ay ka saareyso wadanka, kuwaas oo fariis weyne ku leh garoonka Beladoogle ee gobolka Shabeelada hoose.

Goobjoog News