U bood dhigaalka

Midowga Afrika oo soo dhoweeyay heshiiska dhex maray dowladda iyo maamulka Puntland

Sheeko:Dalka
Maman Sidikou
Maman Sidikou

Midowga Afrika ayaa si diiran u soo dhoweeyay heshiiskii shalay magaalada Garoowe ay ku kala saxiixdeen dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Puntland.

Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Maman Sidikou ayaa heshiiska ay gaareen labada dhinac ku tilmaamay mid u saamaxaya dowladda federaalka iyo maamulka Puntland in ay si wada jir ah uga shaqeeyaan horumarinta ammaanka, dib u soo celinta xiriirka, dib u eegidda iyo dhaqan-gelinta dastuurka ku-meel gaarka ah ee federaalka iyo qabashada doorasho dimuqraaddi ah marka la gaaro sanadka 2016-ka.

Danjire Maman ayaa sidoo kale sheegay in heshiiska uu aasaas u noqon karo xallinta khilaafaadyada ka jira gobollada kale ee dalka, si dadaallada oo dhan la isugu geeyo sidii nabad iyo barwaaqo ay u heli lahaayeen dadweynaha Soomaalida.

Waxaa heshiiskan saxiixay ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed iyo madaxwaynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.