U bood dhigaalka

Midowga Afrika Oo Xarun Tababar u Furtay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

Sheeko:Dalka

Ururka Midowga Afrika ayaa maanta dalka ka sameeyay xarun lagu tababarayo ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya, sida ay sheegeen saraakiisha ururka oo Saxaafadda la hadlay.

Francico Maderia oo ah wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika ee arrimaha Soomaaliya ayaa sheegay in xaruntan ay muhiim u tahay ciidanka xoogga dalka Soomaaliya iyo tababarkooda.

Ciidamada xogga dalka waxaa inta badan lagu soo tababaraa dalalka dariska, tilaabada maanta midowga Afrika qaadeen waxaa laga yaabaa in ay kor u qaado tayada ciidanka Soomaaliya.

in ka badan 22,000 oo ciidamo Afrikaan ah ayaa ku sugan koofurta Soomaaliya in ka badan 9 sano, lamana oga goorta la helayo ciidan Soomaaliyeed oo ammaanka kala wareegga AMISOM.

Goobjoog News