U bood dhigaalka

Midowga Ardayda Jaamacadaha Soomaaliyeed Oo Cabmaareeyay Xadgudubka Kenya ee B/xaawo

Sheeko:Dalka

Midowga ardayda Jaamacadaha Soomaliyeed (MAJSO) oo maanta magaalada Mogadishu kulan ku yeeshay ayaa waxay cambaareeyeen xad-gudubka  cusub ee Kenya ay ka wado degmada B/xaawo ee Gobalka Gedo.

Gudoomiyaha Midowga Ardayda jaamacadaha Cumar Adan Rooble oo gabagabadii kulanka saxaafada la hadaly ayaa sheegay in ay khatar wayn soo wajahaday dalka, madaxweynuhuna ku qasbanyahay in uu moqifkiis cadeeyo

“Xadgudubka joogtada ah ee ciidamada Itoobiya iyo Kenya kusoo galaan dalkeena waan cabaaraynaynaa, dowlada Soomaliyana waxaan ugu baaqaynaa in ay mowqifkeeda cadayso oo ay si rasmi ah uga hadasho xaaladda xuduudda” ayuu yiri Cumar Adan

Sidoo kale gudoomiyaha ayaa sheegay inay soo dhaweeynayaan tallaabooyinkii barlamaanku uu ku doonayo in uu sharci ka dhan ah ku xadgudubka xuduudaha dalka kusoo saaro.

Ciidamo Kenya ah ayaa dhanka degmada B/xaawo ka billaabay inay burburiyaan astaamihii lagu aqoonsanayay halka ay tahay xuduudda aan rasmiga ahayn ee labada dal, xilli Kenya lagu tabyo goballo Soomaaliyeed oo NFD ka mid yahay.

Goobjoog News