U bood dhigaalka

Midowga Musharaxiinta Oo Markale Ku Baaqay Dibadbaxyo Looga Soo horjeedo Madaxweynihii Hore Soomaaliya Ee Farmaajo

Sheeko:Amniga

Midowga Musharaxiinta Xilka Madaxweynaha Soomaaliya ee mucaaradka ayaa mar kale ku baaqay bannaan bax maalinta jimcaha oo ku beegan 26 Febraayo 2021 ka dhici doona Taalada Daljirka Dahsoon ee degmada Boondheere ee Magaalada Muqdisho

Guddoomiyaha Midowga Musharraxiinta Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo diyaar uma inuu dalka doorasho ku qabto ,cid ka yeeli doontana ma jirto

Shir jaraa’id oo Musharaxiinta  ay ku qabteenHotelka Jazeera oo xarun u ah iyaga ayay markale ku shaaciyeen  in bannaan baxa lagu raadinayo qabsoomida doorashooyinka dalka ay dhacayaan,iyagoo shacabka ugu baaqay in ay ka soo qeyb galaan banaanbaxaas nabadeed.

“Farmaajo waxa uu rabaa inuu baa’biyo dadka isaga talada la leh , waxaan sii wadaynayaa bannaanbaxyada aan ku doonayno doorasho loo siman yahay ” ayuu isna hadalkan u sheegay Hoggamiyaha Xisbiga Wadajir ahna musharrax xilka Madaxweyne Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Goobjoog News