U bood dhigaalka

Midowga Musharraxiinta oo Kasoo Horjeestay Go’aankii Midowga Afrika

Sheeko:Amniga
Midowga Musharraxiinta ayaa si adag  waxaa ay uga soo horjeestay war-Saxaafadeedka kasoo baxay Midowga Afrika ee lagu sheegay in danjirii midowga Afrika  Francisco Madeira uu shaqadiisa sii wadan doono, kaas oo qoraal kasoo baxay xafiiska Ra’iisulwasaha looga eryaya dalka, laguna amray maanta inuusan soo geli karin.
Midowga Musharraxiinta waxa ay sheegeen in Francisco Madeira uu ku eedeysan yahay xadgudubyo ka baxsan diblomaasiyadda, taas oo aan marnaba suurtagal ka dhigi karin in uu ka howlgalo gudaha waddanka Soomaaliya, waxaana ay siweyn u taageereen go’aankii uu qaatay Ra’iisulwasaaraha xukuumadda federalka ah ee Soomaaliya.
Midowga Afrika ayaa maanta ka soo horjeestay go’aankii dalka looga saaray Francisco, waxaana qoraal kasoo baxay guddoomiye Mousa lagu sheegay inuu siiwadan doono shaqadiisam waxaana xigtay qoraal kasoo baxay xukuumadda oo lagu sheegay inuu dalka soo gali karin, tii oo ay jirto inuu Farmaajo horay diiday eryitaankiisa.
Goobjoog News