U bood dhigaalka

Midowga Warbaahinta Dowladaha Carabta oo cafiyay deyntii ay ku lahaayeen Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Cabdulraxiim Suleymaan oo ah Agaasimaha Midowga Warbaahinta Dowladaha Carabta, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka cafiyeen deemihii dhanka warbaahinta ay ku lahaayeen.

deyn cafintaan ayaa timid kadib shirkii 42-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Carabta, kaas oo shalay laga soo saaray go’aan la xiriira cafiska deymaha lagu leeyahay Soomaaliya 30-kii sano ee la soo dhaafay.

Suleymaan ayaa soo dhaweeyay sida ay Soomaaliya uga qaybgaleyso shirarka Golaha Guud ee Warbaahinta Ururka Midowga Carabta oo ka dhacay Magaalada Tunis ee dalka Tunisia.

Midowga Warbaahinta Dowladaha Carabta, ayaa sidoo kale sheegay in ay rajeynayaan in ay dowladda Soomaaliya ay xoojiso xiriirkeeda midawga..

No photo description available.

Goobjoog News