U bood dhigaalka

Midowga Yurub Oo Sarkaal Cusub U Magacaabay Howlgalka Badda ee Xeebaha Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Waaxda Siyaasadda iyo Nabadgalyada ee Midowga Yurub  ayaa General Robert Magowan CBE oo ka tirsan Ciidamada Badda ee Boqortooyada Ingiriiska u Magacaabay Madaxa howlgalka Badda Midowga Yurub ee Soomaaliya.

General Robert Magowan CBE ayaa waxaa uu badalayaa Major General Martin Smith MBE oo muddo ka soo shaqeeyay howlaha Ciidamada howlgalka ka wada xeebta Soomaaliya.

General Robert  waxaa uu shaqada la wareegi doonaa 3 June 2016ka, waxaa lagu wadaa in uu wax badan ka qabto arrimaha burcad badeedda iyo arrimo kale oo xeebaha Soomaaliya ah.

The European Union Naval Force ee ka howlgala xeebaha Soomaaliya ayaa la bilaabay December 200, Waxaa ay shaqadoodu tahay sidii ay uga hortagi lahaayeen Burcad Badeedda iyo kooxaha hubeysan ee heehaabaya xeebaha dheer ee Soomaaliya.

Howlagalkan ayey Midowga Yurub sheegeen inay ugu talogaleen sidii lagu soo celin lahaa Nabadda iyo kala dambeynta dalkan ku yaalla geeska Afrika.

Howlgalkan waxaa uu sidoo kale hubiyaa in hay’adda cuntada adduunka ay si fiican meesha ay rabto u geyso cuntada iyo waxyaabaha kale ee dadka u baahan yihiin.

Goobjoog News,