U bood dhigaalka

Midowga Yurub: Cafiska Janan Waxay Waxyeello Ku Tahay Dhibbanayaasha Janan

Sheeko:Amniga

Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolas Berlanga ayaa cafiska madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ee la xiriira Cabdirashiid Janan waxaa uu ku tilmaamay ‘guulo muddo kooban’

Safiirka midowga Yurub ayaa sheegay inuu ka xun yahay dhibka ay dareemayaan dhibbanayaasha tacadiyada loo heysto Janan.

Arrintan ayaa imaaneysa saacado kadib markii maamulka Farmaajo uu Baladxaawo uu soo dhoweyn ugu  sameeyey ninka ay booliiska iyo cadaaladda ku daba jireen muddada dheer.

Nicolas Berlanga ayaa waxaa uu yiri ‘”Waxaa ka fekerayaa dhibbanayaasha, dadka, barakacayaasha iyo dhalinyarada Soomaaliyeed ee hiigsanaya bulsho nabad ah oo caddaalad ku dhisan, oo sharciga loo simman yahay’ ayuu  ku yiri bartiisa Tweetterka.

Safiirka ayaa intaas ku daraya ‘Waxaa hubaa in kuwa ka fekaraya guulo aaney iloobi in bulshada u baahanyahay tiirar adag oo lagu dhiso mustaqbalka’.

Goobjoog News