U bood dhigaalka

Midowga Yurub Oo 11 Milyan Euro u Saxiixay Jubbaland

Sheeko:Dalka

Midowga Yurub ayaa maamulka Jubbaland u saxiixay lacag dhan 11 Milyan Euro, taasi oo lagu qabanayo mashruucyo ay ugu horreyso waxbarashada.

Maalintii shalay ahayd waxaa magaalada Kismaayo ka dhacay heshiis Seddax geesood ah, kaasi oo u dhaxeeyay dowladda Federaalka Soomaaliya, Jubbaland iyo Midowga Yurub.

Qorshahan waxaa wada saxiixay wasiirka Qorsheynta ee xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Cali Caynte, madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe iyo Ergayga Midowga Yurub Ee Soomaaliya Michele Cervone d’Urs.

Lacagtaan ayaa waxaa loogu tala galay in lagu maalgeliyo Iskuul casri ah oo laga dhisayo magaalada Kismaayo kaasi oo la dhagax dhigay, shaqo abuur loo sameynayo dhallinyarada iyo sidoo kale arrinta ku aadan aafooyinka ka dhasha abaaraha.

Wasiir Caynte oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in dhaqaalaha mashruuicyadan lagu maalgelinayo lasoo marsiin doono hay’ado ajaaniib ah iyo kuwo Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa intaa ku daray inay cadeen u tahay Wadamada Deeq bixiyayaaasha in ay oganayaan Wadashaynta dowlad gobaleedyada iyo dowladda federaalka Soomaaliya inay Asal tahay.

Wakiilka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Makail Jarfoni ayaa sheegay in mashaariicdaan ay qayb ka yihiin adeegyada horumarineed ee ay ka fulinayaan Soomaaliya uuna rajaynaayo in uu u fulo sida loogu talo galay.

Ugu dambeyn Madaxweynaha  Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo kulanka ka hadlay ayaa waxaa uu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay mashaariicda horumarineed ee ay maanta saxiixeen.

Goobjoog News