U bood dhigaalka

Midowga Yurub oo Baaraya Ceyrintii Kheyre iyo Cidda Mas’uul Ka Ah

Sheeko:Amniga

Qoraal ka soo baxay midowga Yurub ayaa lagu sheegay in lagu baaro wixii ka dhacay golaha shacabka, cidda mas’uulka ka aheyd iyo in arrintaas ay dib u keeni karto dib u dhaca horumarka Soomaaliya iyo in kale

“Midowga Yurub waxaa uu dib u eegayaa sida dhacada loo meelmariyey, cidda mas;uulka ka aheyd iyo in ay wiiqeyso horumarka Soomaaliya taas oo ay ku heshiiyeen beesha caalamka” ayaa lagu yiri.

Midowga Yurub waxaa ay ceyrinta ra’isul wasaare Xasan Kheyre ku sheegeen iney sharaci darro aheyd iyada oo ka digay iney dhaawaceyso heshiiskii Dhuusamareeb iyo balanta August 15.