U bood dhigaalka

Midowga Yurub Oo Codsi u Direy Madaxweyne Farmaajo

Sheeko:Dalka

Ergayga Midowga Yurub u qaabilsan arrimaha dibadda Federica Mogherini ayaa madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ugu hambalyeesay guushiisa saacado kahor Caleema saarkiisa.

Federica oo madaxweyne Farmaajo kula hadashay qadka Taleefanka, ayaa u rejeysay inuu ku guuleysto xilkiisa soona dhoweysay xil wareejintii sida nabadda ahayd ku dhacday.

Waxay ku celisay Federica in Midowga Yurub ay mar walbo u taagan yihiin horumarka Soomaaliya, iyo arrimaha dib usoo celinta amniga, waxayna intaasi ku dartay in ay kaalin weyn ka qaadanayaan soo kabashada dhaqaalaha Soomaaliya.

Federica ayaa madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ka codsatay in dib u habeyn iyo isku shaandheyn ku sameeyo arrimaha dhaqaalaha Soomaaliya gaar ahaan dib u eegista dhinaca sharciga, waxyna sidoo kale codsatay inuu la dagaallamo Musuqa.

Midowga Yurub ayaa la ogsoon yahay in qarashaadka ku baxa 6-kun iyo 8 boqol oo Soomaali ah ay bixiyeen sida ay sheegtay Federica Mogherini.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa lagu wadaa in maanta oo Arbaco ah lagu caleema saari magaalada Muqdisho.

Goobjoog News