U bood dhigaalka

Midowga Yurub oo Gaadiid Ku Wareejiyey Ciidanka Booliska Koofur Galbeed

Sheeko:Amniga

Magaalada Baydhabo ee caasimadda u ah dowlad goballeedka Koonfur galbeed Soomaaliya ayaa waxaa maanta gaaray wafdi ka socda Midowga Yurub, oo uu hoggaaminayey safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Niclos Barlaanga,  waxaa kaloo safarka ku wehlinayey  Diblumaasiyiin iyo Saraakiil Ciidan oo ka tirsan Amisom.

Wafdiga ayaa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo ku soo dhoweeyey guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Sheekhunaa Maye, xubno ka tirsan golaha baarlamaanka, wasiirro iyo bulshada qeybaheeda kaa duwan, iyaga oo loo galbiyey xurun madaxtooyada Koonfur Galbeed.

Wafdiga ayaa kulan kula qaatay halkaasi guddoonka Baarlaanka iyaga oo warbixin guud ka dhageystay, waxaana kulanka lagu soo qaaday howlaha mashaariicda ee Midowga Yurub uu ka wado Koofur Galbeed.

Wafdiga Safiirka midowga Yurub ayaa kormeer ku tagay saldhigga ciidamada booliiska magaalda Baydhabo oo muddooyinkii danbe uu ka socday dayactir iyo dhisme lagu sameynayey, kaasoo ay taageerayeen Midowga Yurub.

Waxaan intaas kaddib wafdiga uu maamulka ku wareejiyey Gaadiid loogu talo galay inay isticmaalaan ciidamada Booliska Koofur Galbeed oo horay Midowga Yurub  u ballan qaaday inuu ka taageerayo maamulka agabka ciidanka  si ay u gutaan waajibkooda kaga aaddan dhanka amniga.

Guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Shiikhunaa Maye ayaa safiirka uga mahadceliyey taageerada iyo mashaariicda kala duwan ay ka wadaan Koonfur Galbeed, isagoo ka dalbaday inay sii wadaan howlaha ay ka hayaan deegaannada kala duwan.

Goobjoog News