U bood dhigaalka

Midowga Yurub Oo Ka Digay Cunaqbateyn Uu Saaro Soomaaliya Farmaajo Dartii

Sheeko:Amniga

Midowga Yurub ayaa ku goodiyey inuu cunaqbateyn saarayo Soomaaliya haddii lagu socdo go’aanka hal dhinac ah ee golaha shacabka uu ku kordhiyey muddo xileedka Farmaajo.

Wakiilka sare ee Josep Borrell Waxaa oo arrintan ka hadalay ayaa sheegay in qaraarkan uu qalqalgelinayo xasiloonida dalka geeska Afrika ku yaalo isla markaana uu horseedayo kala qeybsanaaan.

Midowga Yurub waxay ugu baaqeen kooxaha Soomaaliya iney wada hadal ka galaan heshiiska September 17.

Arrimahan ayaa dhacaya iyada oo shalay golaha shacabka uu 2 sano ugu daray Farmaajo taasi uu diiday Aqalka sare, kuna raaceen Midowga musharaxiinta.