U bood dhigaalka

Midowga Yurub oo Mashaariic Hormarineed Ka Bilaabaya Galmudug

Sheeko:Amniga
Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid ayaa xarunta Midowga Yurub ee magaalada Muqdisho kula kulmay masuliyiin sare oo ka tirsan Midowga Yurub oo boqasho ku yimid Soomaaliya gaar ahaan caasimadda ah ee Muqdisho.
Madaxweynaha iyo Agaasimaha Siyaasadda Dibadda ee Midowga Yurub Mudane Peter Wagner ayaa waxay ka wada hadleen sidii sare loogu qaadi lahaa mashaariicda Midowga Yurub ka fuliyo Galmudug, sida mashruucyada DEEGAN BILE, ILED iyo kuwa cusub oo la bilaabi doono dhawaan.
Kulankaan waxaa soo qabanqabiyay masuliyiin ka socotay hey’adda Socdaalka Addunka ee IOM oo ayadu shaqo muhiim ah ka haysa guud ahaan deegaanada Galmudug.
Dhanka Dowlad Goboleedka Galmudug waxaa kulanka qayb ka galay Wasiirka Wasaarada Tamarta iyo Khayraadka Biyaha, Wasiir ku xigeenka Bay’ada iyo Isbadalka Cimilada, Masuliyiin kala matalaysay Wasaarada Haweenka iyo xuququl insaanka iyo Wasaarada Xanaanada Xolaha.
Goobjoog News