U bood dhigaalka

Midowga Yurub Oo Tallaabo Cusub u Qaadaya Xakameynta Muhaajiriinta Africa

Sheeko:Dalka

Wadamadda Midowga Yurub ayaa dalalka Afrika ugu yaboohay Gar gaar dhinacyo badan leh si looga hortago qulqulka muhaajiriinta afrikaanta ah ee Yurub galaya.

Tilaabooyinka cusub oo ay midowga Yurub ay qaadayaan waxaa ka mid ah in la fududeeyo Fisaha Yurub lagu galo iyo in dadka sida sharcidarada ah ku galaya Yurub dalalkooda dib loogu soo celsho si loo xakameeyo muhaajiriinta.

Natiijadan ayaa  lagu wadaa in ay ka soo baxdo shir madaxeed u dhexeeya dalalka Afrika iyo Midowga Yurub kaas oo ka socda jasiiradda Malta.

Qorshe ka kooban 17 Page oo ay heshay wakaladda wararka ee Reuters ayaa sheegaya in midowga Afrika iyo Midowga Yurub ay isku raaci doonaan maanta oo Khamiis ah.

Dad badan oo ku nool qaaradda Afrika ayaa ku tiirsan lacago bananka looga soo diro gaar ahaan Yurub iyo Mareykanka.

Goobjoog News