U bood dhigaalka

MIHNADDA QAREENNIMADA SOOMAALIYA: XAALADDA MAANTA IYO ODOROSKA MUSTAQBALKA

Sheeko:War

Qaybta koobaad:  Gogoldhig

Qormadaan kooban waxaan uga hadli doonnaa haddii alle idmo, Xaaladda Mihnadda qareennimada Soomaaliya  ee hadda taagan iyo sidoo kale sida lagu hormari karo iyo tallaabooyinka ay tahay in la qaado si loo hormariyo.

Ugu horrayntii waxaan si kooban uga hadli doonaa sooyaalka Xeerarka Mihnadda Qareennimada Soomaaliya, Xeerka hadda dhaqangalka ah iyo hindise sharciyeedka golaha shacabku uu ansixiyay ee horyaallo aqalka sare ee barlamaanka federaalka Soomaaliya.

Waxaa kale oo aan ka hadli doonnaa xaaladda maanta ay ku sugantahay Mihnaddu, horumarradii la sameeyay iyo caqabadaha taaagan. ugu dambaytii waxaan is dultaagi doonnaa odoroska mustaqbalka iyo hiigsiga dhaw , waxaana soo jeedi doonnna talooyin muhiim ah oo ay tahay in la qaado si looga sii dhaqaaqo meesha ay xaaladdu taagantahay.

Si kastaba, qormadu waxay ka koobnaan doontaa qaybaha soo socda:

  1. Gogoldhig
  2. sooyaalka Xeerarka Mihnadda qareennimada Soomaaliya
  3. xaaladda Maanta taagan
  4. Qaybta shanaad: Hindise sharciyeeka cusub  muxuu soo kordhinayaa haddii uu dhaqangal noqdo
  5. odoroska mustaqbalka iyo hiigsiga dhaw
  6. Gabagabo iyo talo soo jeedin

Qaybta labaad: Sooyaalka Xeerarka  Mihnadda Qareennimada Soomaaliya

 Muddadii  lagu jiray marxaladdii wisaayada waxaa la soo saaray Xeerka Nidaamka garsoorka ee   Xeer  Lr 5 soona baxay 2 February 1956, Xeerkaan wuxuu nidaaminaayay Garsoorka Soomaaliya ee Goballadii koofureed ee hoostagaayay wisaayada qaramada midoobe , hase ahaatee xeerkaan waxaa ku jiray qoddobo muhiim ah oo nidaaminaayay Mihnaddaa qareennimada.[1]

Kadib Maamulkii wisaayada iyo Dawladdii daakhiligaba waxay go’aansadeen in la soo saaro Xeer gaar ah oo si khaas ah u nidaamiya Mihnadda qareennimada, taas oo keentay in la soo saaro xeer  Lr 21 ee 27 Jun  1958 oo ah Xeerkii ugu horreeyay oo si gaar ah u nidaamiyo Mihnadda Qareennimada khaasatan goballadii koofureed ee hoostagaayay Maamulkii wisaayada.

Waxaa kale oo jiray Xeer kale oo isna dhaqangal ka ahaa goballada waqooyi oo ay gumaysan jirtay boqotooyada Britain, xeer Lr  44ee 1957 ((legal practitioners, rules and ordinance No: 44 ee  1957).

Labadaan Xeer ee waqooyi iyo koofurba dhaqangalka ka kala ahaa ayaa lagu dhaqmaayay ilaa 1975, oo gobalka kasta wuxuu ku dhaqmaayay xeerkii dhaqangalka ka ahaa xurriyadda ka hor[2] .

Sannadku markuu ahaa 1975 ayaa  la soosaaray sharci lr 85 ee 21 october 1975, sharcigaan wuxuu baabi’iyay labadii sharci ee aan soo tilmaanay, waana xeerkii ugu horreyay ee si isku mid ah u nidaamiyo mihnadda qareennimada Goballada waqooyi iyo koofureedba, Sharcigaan waxaa lagu dhisay iskaashatada Qareennada Soomaaliyeed oo ahayd hay’adda maamulaysay Qareennada Dalka, si toos ahna u hoostagaysay dawladda iyo xisbiga hanti-wadaagga .[3]

Xeerkaan waxaa lagu sameeyay waxkabadal 1986, ayada oo la soo saaray  sharci Lr. 3 ee 13 janaayo 1986, ujeedda waxkabadalkuna waxay ahayd in Qareennada la madaxbaneeyo , lana tirtiro iskaashatada qareennada oo dawladdu ay  toos u maamulaysay, Maadaama aan marxaladdaan la oggolayn ururo bulsho iyo  kuwa mihnadeed  oo madaxbannaan, qodobada wax laga badalay waxaa ku jiray   qodobka 1aad ilaa qodobka 6aad  iyo kuwa kale..[4]

Qaybta sadaxaad   Xaaladda Maanta Taagan

Laga soo bilaabo 1956, ilaa 1969, Mihnadda Qareennimadu waxay ahayd mid madaxbanaan, hase ahaatee madaxbanaanidaas waxay meesha ka baxday muddadii ay jirtay dawladdii kacaanka , marxaladaas oo aan la oggolayn habayaraate urur bulsho iyo kuwa mihnadeed oo madaxbanaan, marxaladdaan  qareennada waxaa maamulaayay iskaashatada qareennada oo si toos ah ugu xirneed dawladda, hase ahaatee iskaashatadii waxaa lagu tirtiray sida aan soo tilmaannay xeer lr 3 ee 13 janaayo 1986, qareennadiina waa la madaxbaneeyay.

Burburkii kadib, sanakii 2010, waxaa isku yimid qareennadii ku sugnaa magaala madaxda, waxayna dhiseen ururka qareennada Soomaaliyeed si waafaqsan qoddobka 22aad ee Axdigii Federalka KMG ee  Xiligaas lagu dhaqmaayay, kadibna dhaqan beelkii Axdiga waxaa booskii buuxiyay qoddobada 16aad iyo 23aad ee Dastuurka Federaalka KMG, maadaama qareennadu ay yihiin mihnadlayaal madax-banaan.

Ujeeddooyinka loo dhisay ururka qareennada  waxaa ka mid ahaa:

  • Difaaca xuquuqda qareennada iyo dhisidda tayadooda
  • u qareemidda bulshada iyo difaaca xuquuda aadanaha
  • kaalin ka qaadashada tayada xeerdajinta
  • wecyigelinta bulshada iyo sara u qaadidda fahamka sharciga
  • u ololaynta sarraynta dastuurka iyo ku dhaqanka sharciga
  • u ololaynta madaxbanaanida garsoorka iyo kuwa kale .[5]

tan iyo markii la dhisay ururka Qareennada 2010, wuxuu ku guulaystay hawlo muhiim ah oo ay ku jiraan:

  1. Dhisidda tayada qareennada xirfadlayaasha ah
  2. Tababaridda garyaqaannada kasoo baxo jaamacadaha dalka iyo kuwa dibaddda
  3. Dhisidda iyo isku xirka qareennnada goballada
  4. wacyigelinta bulshada iyo sara u qaadida fahamka dadwaynaha ee dhinca shuruucda
  5. Dhinaca xeerarka isaga oo la kaashanaaya hay’ado dawladeed iyo saaxibo kale waxaa u suuragalay dhawr arrimood oo ay ka midyihiin:
  • 2016, waxaa suurtagashay ansixinta xeer-hoosaadka ururka qareennada ( internal governance and procedures)
  • Waxaa la soo saaray Xeerka anshaxa Qareennada oo la dhamaystiray una baahan kaliya in la meelmariyo
  • Hindise sharciyeedka Xeerka Qareennada oo isagu Nimaaminaaya mihnadda qareennimada waxaa ansixiyay golaha shacabka haddana wuxuu horyaalla aqalka sare ee barlamaanka federaalka[6] .

Qaybta Afaraad :Caqabadaha Taagan

Muddadii uu jiray ururka qareennadu waxaa jiray caqabado  kala duwan oo soo wajahay qareennada, caqabadahaas waxaa ugu  muhimsan  kuwaan hoos ku qoran:

  • Caqabado dhanka shaqada qareennada ah

caqabadaha noocaani ah waxaa ka mid ah, in hay’adaha amniga iyo kuwa haaya  maxaabiista la difaacaayo  ay wali maskaxdooda ku jirto xeerarkii maxkamadda badbaadada ee qeexaayay in qareenku uu muwakiliisa la kulmi karo  kaliya marka ay baaristo dhamaato,  xiligga uu la kulmaayana  uu la joogaayo dambi-oogaha  ama sargaal wakiil ka ah.[7]

Hay’adahaan badanaa lama socdaan isbaddallada ku yimaada  xeerarka gaar ahaan kuwa ku saabsan xuquuqda eedaysanayaasha ay haayaan, shuruucdaas oo uu ugu horreyo dastuurku.[8]

  • Caqabadaha ka imaanaaya dhanka dawladda,

Aragtiyadii iyo hab-dhaqankii uu abuuray nidaamkii kali-talisku waxay reebeen raadad taban , taas oo keentay in hay’adaha dawladdu u qaataan in qareennadu ayaga ay hoos yimaadiin, isla markaana  yihiin waax ka tirsan waaxyada xafiisyadooda, aragtidaas waxay keentay in qareennadu ay caqabado kala duwan kala kulmaan xafiisyada dawladda gaar ahaan wasaaradda cadaaladda.

  • Caqabado dhinaca kaalmada sharciga

Sida lagu xeeriyay Q. 34/5 ee Dastuurka Federaalka dawladdu waa inay  bixiso kaalmo sharci oo lacag la’aan ah  , arrintaas oo hadda  aan lahayn  qoondo ay dawladdu  ugu tala-gashay, gaar ahaan dacwada aan qareen la’aantiis la socodsii karin, ayada oo qoonda la’aantaas laga amba qadaayo ayaa qareennadu waajibkii dawladda saarnaa   dhabarka u riteen si dadka kaalmada sharci u baahan loo caawiyo.[9]

Arrintaas waxay ka mid tahay culaysyada muuqdo ee qareennadu ay  si maalinle ah ula tacaalaan, dhibaatada ugu waynse waa in dawladdu aysan arrintaas ku baraarugsanayn.

  • Caqabado dhinaca wax-barashada sharciga

Sida aan ogsoonnahay Jaamacadaha dalka gaar ahaan kulliyada sharcigu ma dhigaan Manhaj isku mid ah,taa badalkeeda  jaamac kasta waxay dhigtaa wixii ay heli karto, arrintaas waxay keentay kala-duwanaasho dhanka wax-barashada sharciga,   Kala-duwanaashaha wax-barashada iyo Manhaj la’aanta waxay saamayn wayn ku leedahay Qareenada iyo isla fal-galka hay’adaha Garsoorka iyo dhammaan sharciyaqaannada.

Qaybta Shanaad:  Hindise Sharciyeeka Cusub  Muxuu Soo Kordhinayaa Haddii Uu Dhaqangal Noqdo?

Hindise sharciyeedka qareennada ee hadda horyaallo aqalka sare ee barlamaanka federaalka waxaa looga golleeyahay inuu badalo xeerka Qareennada Soomaaliyeed ee hadda dhaqangalka ah ee uu sameeyay nidaamkii kali-taliska ahaa , hindise sharciyeedkaan wuxuu  ka tarjumayaa qaybo ka mid ah himilooyinka Qareennada , walow ay jiraan gaabisyo iyo khaladaad la sixi karo.

Arrimaha ugu muhimsan ee xeerkaan uu soo kordhiyay waxaa ka mid ah:

  • Hindise sharciyeedku wuxuu nidaaminayaa Mihnadda qareennada ee heer federal, sidoo  kalane wuxuu bixinayaa mabaadi’ iyo hagayaal guud oo halbeeg u noqo kara mihnadda qareennada ee heer dawlad gobaleed.
  • Hindise sharciyeedku wuxuu qareennada siinayaa xuquuq muhiim ah oo aan   ku jirin xeerarkii hore ,  xuquuqdaas waxaa ka mid ah:
  • In aan qareenka la xiri karin haddii uusan dambi faraha kula jirin
  • In aan xafiiskiisa, gurigiisa, qoraalladiisa iyo xiriiradiisa isgaarsiineed labaari karin
  • In aan lagu eedayn karin hadallo uu ka jeediyay maxkamadda horteeda isaga oo difaacaaya muwakilkiisa
  • Hindise sharciyeedkaan waxaa sida muuqata lagu xalliyay qaybo ka mid ah mushkilado haysta qareennada oo ka dhashay dhaqan muddo soo jiray oo ay ku soo barbaareen hay’adaha baarista , tusaalooyinka arrimahaas waxaa ka mid ah:
    • In qareenku uu tagi karo goobta muwakilkiisu ku xiranyahay isla markaana uu u waraysa karo si xor ah
    • Inuu hay’adaha baarista waydii karo sababta uu muwakilkiisu u xiranyahay[10]

Ugu dambayntii waxaa xusid mudan in hindise sharciyeedka ay ku jiraan khaladaad farsamo, iyo arrimo kale oo aan la jaanqaadi karin himilooyinka qareennada, arrimahaan oo aan rajaynaayo in hindise sharciyeedka laga saxo inta aan la dhamaystirin habraaca ansixintiisa.

Qaybta lixaad  : odoroska mustaqbalka iyo hiigsiga dhaw

si looga dhaqaaqo halka la taagan yahay loona hormariyo mihnadda qareennimada waxaa muhiim ah in la qaado tallaabooyin kala jaad ah oo taabanaaya dhinacyo kala duwan, dhinacyadaas waxaan ka xusi karnaa kuwaan hoos ku xusan:

Dhanka Shuruucda:

Ugu horrayntii waxaa muhiim ah in la dhamaystiro habraaca ansixinta   hindise sharciyeed mihnadda qareennada ee hadda horyaallo aqalka sare , qareennaduna u ololeeyaan in laga saxo khaladaadka kooban ee ku jira iyo arrimaha kale ee aan la jaanqaadi karin himilooyinka qareennnada, si taa la mid ah waa in la dhamarstiro lana ansixiyo xeerka anshaxa qareennada oo horay loo diyaariyay laakin aan wali la meelmerin.

waxaa kale oo loo baahan yahay xeer-hoosaadyo iyo habraacyo kale oo muhiim u ah xirfadda qareennimda sida habraacyada la xiriira Shirkadaha Qareennada ( law firm regulations) iyo tilmaamooyinka iyo hagayaasha la xiriira xushmadda qareenku muwakilkiisa ka Qaadi karo ayada oo lagu salaynaayo noocyada dacwadaha kala duwan.

Dhanka tayaynta mihnadda iyo mihnadlayaasha

Si loo tayeeyo aqoonta mihnadlayaasha qareennada ah, ugu horrayn qareennada waxaa la gudboon inay ka shaqeeyaan sixidda manaahijta kulliyadaha sharciga ee jaamacadaha gudaha lagu dhigo, si manaahijtaas ay uga dhaxmuuqato shuruucda dalka una noqoto mid ka jawaabaysa baahida aqooneed  ee dadka noqo doono mihnadlayaasha sharciga, waxaa kale oo muhiim ah in la hormariyo hagayaasha iyo manhajka ku soo biiridda mihnadda qareennada ee ururka qareennadu horay u sameeyay, ugu dambayntii waxaa lama huraan ah  si loo tayeeyo xirfadaha iyo aqoonta qareennada  xirfadlayaasha ah in la diyaariyo manhaj waxbarasho socoto oo loogu talagalay qareennada shaqada ku jira ( continue legal education for advocates in job).

Dhanka midaynta heerarka xirfadda

Qareennada federaalka iyo Qareennada heer dawlad gobaleed si ay iskula jaanqaadaan loona helo baraatiko xirfadeed oo midaysan waxaa lama huraan ah inay ka midaysan yihiin arrimahaan hoos ku xusan:

  • Manhajka tababarka garyaqaannada cusub ee xirfadda ku soo biiraaya
  • Imtixaanaadka lagu soo galaayo mihnadda qareennimada
  • Manhajka tababarka waxbarashada sharci ee socota
  • Xeerarka anshaxa, hagayaasha xushmadda qareenka iyo habraacyada shirkadaha qareennada.

Dhanka Kaalmada sharciga

Inta badan dadka xabsiyada iyo goobaha kalaba ku xiran waa dad sabool ah oo u baahan kaalmo sharci oo lacag la’aan ah, qareennaduna waa dadka si maalinle ah ula xiriira dadkaas , sidaas awgeed waxaa qareennada la gudboon inay u ololeeyaan laba arrimood oo kala ah:

  • Sammaynta shuruuc iyo siyaasado hagaaya kaalmada sharci ee la siinaayo dadka u baahan
  • U ololaynta in dawladdu qoondo lacageed u samayso kaalmada sharci maadaama ay tahay waajib dastuuri ah oo dawladda saaran

Qaybta lixaad: Gabagabo iyo talo soo jeedin

Ujeeddada ugu wayne oo qormadaan waa ifinta hawlaha ugu waawayn ee qareennada horyaallo iyo muujinta sida ugu wanaagsan ee loo sixi karo khaladaadka iyo caqabadaha hadda taagan.

Haddaba, daraasaddu waxay soo jeedinaysaa talooyinka soo socda:

  • Qareennadu waa inay u ololeeyaan sixidda khaladdaadka yaryar iyo arrimaha kale ee aan la jaanqaadi karin himilooyinka qareennada ee ku jira hindise sharciyeedka qareennada
  • qareennadu waa inay ka shaqeeyaan samaynta iyo dhamaystirka, xeerka anshaxa, hagayaasha xushmadda qareenka iyo habraacyada shirkadaha qareennada.
  • Qareennadu waa inay kaalin mug leh ka qaataan sida manaahijta kulliyadaha sharciga loo waafaji lahaa xeerarka dalka.
  • Qareennada waa inay ka shaqeeyaan hanaanka midaynta mihnadda qareennimada heer federal iyo heer dawladaha xubinta ka ah dawladda federaalka, gaar ahaan arrimahaan hoos ku xusan:
  • Habka iyo manhajka tababaridda garyaqaannada doonaaya inay qareenno noqdaan
  • Imtixaanka soo galista mihnadda qareennimada
  • Manhajka waxbarashada sharciga ee socota ( continue legal education syllabus )
  • arrimaha kale oo ay tahay in qareennadu mudnaan siiyaan waxaa ka mid ah:
  • Ka qaybqaadashada tayaynta hanaanka xeerdajinta dalka
  • U ololaynta madaxbanaanida garsoorka
  • U ololaynta samaynta shuruuc iyo hagayaal la xiriira kaalmada sharciga

Wabilaahi towfiiq

Qareen: Daahir Maxamed Cali

[1] Fiiri qoddobada 95 ilaa 103aad ee Xeerkaan

[2]Qoddobka 3aad ee sharciga midawga labada gobal (Act of union) ayaa  qeexaayay in  ilaa laga soo saaraayo shuruuc mideysan oo baddalaysa shuruucdii horay, gobal kasta inuu ku dhaqmaayo  shuruucdii horay  dhaqan galka uga ahayd gobal kasta.

[3] Qoddobka 12aad ee Dastuurka 1979 wuxuu jiddaynaayay in dhismada  ururrada bulshdu ay  waajib tahay in ay waafaqsan yihiin barnaamijka xisbiga Hanti wadaagga

[4] http://www.somalilandlaw.com/somaliland_legal_profession.htm

[5] Fiiri  SBA profile 2010

[6] Dhinaca xeerarka waxaa Qareennada ka caawiyay Wasaaradda Cadaaladda iyo hay’adda IDLOgaar ahaan xeerka qareennada iyo xeerka anshaxa

[7] Sidaas waxaa dhigaayay sharci lr 17 soona baxay 17 Apriil   1970  gaar ahaan qoddobkiisa 1aad, qoddobada xeerkaan waxay si gaar ah u khuseeyay dacwadaha ay qaadi jirtay maxkamaddii badbaadada

[8] Xuqquda eedaysana waxaa si fiican u faah-faahinaaya gaar ahaan inuu qareen qabsa karo isla marka la xiro ama uu eedaysane noqdo qoddobka 35aad ee DFKMG

[9] Fiiri Q. 34/5 ee DFKMG

[10] Fiiri qoddobka 16aad ee hindise sharciyeedka qareennada