U bood dhigaalka

Miisaaniyadda Soomaaliya ee 2022-ka, $28 Milyan ayaa Ku Korortay 2021-kii kadib

Sheeko:Amniga

Xukuumadda federaalka ah ayaa axaddii soo bandhigtay in miisaaniyadda Soomaaliya ay miisaaniyadda Soomaaliya 2022-ka ay noqoneyso $699.1 million.

Miisaaniyaddan leh tirada intaa la eg, ayaa ka dhigan in lagu daray $28 Milyan tii 2021-kii, waxaa xusid mudan in miisaaniyaddii 2021-ka aheyd $671 malyan taas hal mar lagu kordhiyey $195 malyan marka loo eego miisaaniyaddii 2020-kii oo aheyd $476 million.

Inkasta oo sanadkan aaney xukuumadda keenin wax ku celin miisaaniyad ah, isla markaana aaney soo bandhigin wax ka hirgalay saadaalinteeda la xiriiray dakhli uruurinta iyo deeqaha dibadda, laakin in $28 keliya lagu daro waxa ay muujineysaa in sidii la qorsheeyey aaney wax u dhicin.

Goobjoog News